Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa baaq u diray labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Dalxa ayaa ka dalbaday labada Gole in ay soo faragaliyaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay shirka uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, si looga wada hadlo arrimahaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay madaxda maamul goboleedyadu ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe ee Soomaaliya.