Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya laga qeyb galiyo shirarka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Dalxa ayaa tilmaamay in wax talo ah BFS uusan ku lahayn shirarkaasi, balse loo baahan yahay in Xildhibaanada labada Gole laga tala galiyo go’aannada la gaarayo.

Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay xubnaha Baarlamaanka ka qeyb galiyaan shirkaasi, si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.