Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xilli si aad ah guud ahaan dalka loogu diyaar garoobayo munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa waxaa jira dad danyar ah oo aan haysan wax ay ku Ciidaan.

Qaar ka mid ah Qoysaskan oo aan ku booqanay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan ayaa waxa ay ka hadleen daruufaha nololeed ee ku heysta gudaha magaalada Muqdisho.

Aabe Idiris Muumin Cumar oo heysta 12 caruur ah ayaa sheegay in u badkiisa aysan heysan si la mid ah Ilmaha kale dhar ay ku Ciidaan.

Waxaana uu tilmaamay in uu ka soo barakacay Kaamkii uu ku noolaa, islamarkaana uu haatan si KMG ah u dagan yahay meel Garaash  ah.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.