Muqdisho (Sh M Network)—Danjiraha Qaramada Midoobe u fadhiya Magaalada Muqdisho, Michael Keating ayaa Golaha Amaanka warbixin kooban ka siiyay Xaalada guud ee Dalka Soomaaliya.

Danjire Michael Keating ayaa sheegay in ay muuqadaan horumaro kala duwan ay sameneyso Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa Safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Keating ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka in ay taageero kala duwan la garab istaagaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Danjiraha ayaa ku dhiira geliyay Golaha Amaanka in ay sii wadaan taageerida Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ka jira Dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Keating waxuu dhinac kale ka hadlay khatarta ka imaaneysa Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in amni darida muuqata iyo khatarta Xarakada Al Shabaab looga guuleysan karo in la dhiso Hay’adaha amniga Qaranka Dalka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ku wargeliyay Golaha Amaanka in dhismaha Hay’adaha Amniga Qaranka ay haatan marayaan meel wanaagsan, islamarkaana ay ku dhow yihiin isla soo gaba gabeeyo.

Sikastaba,Qaramada Midoobay ayaa tiro dhowr jeer ah ku celicelisay in ay taageero dhinac walba ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo oo ay ku tilmaameen in uu yahay hogaamiye ay ku qanacsan yihiin Soomaalida islamarkaana sameyn kara wax waliba oo lagu horumarinayo Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.