Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dabley hubeysan ayaa goor dhow degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Haweeyney lagu magacaabi jiray Foos Maxamed Xuseen, taas oo guddoomiye waaxeed ka ahayd degmadaasi.

Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in Haweeneydaasi ay ku toogteen gurigeeda oo ku yaalla degmada Xamar Jajab, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen dika kadib, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa rasaasta ay fureen dableydaasi ku geeriyootay Gabar yar oo lagu magacaabi jiray Rayaan Cumar oo 4 jir ahayd, taas oo la sheegay in goobta ay ku sugneyd.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Xamar Jajab oo ku aadan dilkaasi, balse waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo Toddobaadyadii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho.