Muqdisho (Sh M Network)—Qaraxani oo uu fuliyay Nin walxaha Qarxa isku soo xiray  ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Masjid ku yaalla Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa mid xoogan ay ku dhinteen 4 qof oo uu ku jiro Ninka Isisoo miidaamiyay iyadoona tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaana la tilmaamayaa in Qaraxa lala damacsanaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareyo Guuto Sheekh Xuseen Xasan Cismaan  oo waxyar ka hor Qaraxaasi galay Masjidka kaas oo aan wax khasaro ah ka soo gaarin Qaraxaasi , walow ay ka mid yihiin dadka wax ku noqday Ilaaladiisa.

Hadal heynta ugu badan ayaa ah sida qof Walxaha Qarxa isku soo xiray uu gudaha ugu galay Xabsiga Dhexe ee Xamar oo aad loo ilaaliyo islamarkaana ay ka horreeyaan Kontaroolo badan oo si weyn dadka loogu baaro.

Welina ma jirto faah faahinno  ka soo baxay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku aadan weerarkaasi.