DEG DEG:-Sarkaal ka tirsanaa Qeybta Dembo Baarista ee CID-da oo lagu Dilay Muqdisho

0

Wararka ayaa sheegaya in Rag Baastoolado ku hubeysan ay degmada Yaaqshiid ku dileen Sarkaalkani ka tirsan Ciidamada Booliska Dowlada Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa shebelle u sheegay inay Maqlayeen Rasaas Xoogan oo ka dhacday Meel aan ka fogeyn xarunta Degmada yaaqshiid halkaasi oo lagu Dilay Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan dheere,

Ciidamo ka tirsan Booliska Degmada yaqshiid ayaa Goobta soo Gaaray waxaana ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka sameeyeen halka uu Dilku ka dhacay,

Wararka ayaa sheegaya inay Goobta ka Baxsadeen Ragii Dilka Geystay, waxaana Howlgalo ka socdaan inta badan xaafadaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,