Muqdisho – ( Sh. M . Network) – Waxaa goordhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho soo caga-dhigatay Diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii Diyaaradan saarnaa Wasiirka Difaaca ee xukuumadda Soomaaliya, C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Ku Xigeenka Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Degaano dhaca Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegay in Rooboow iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda ay u baqooleyn dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Kala soco www.radioshabelle.com waxii warkan ku soo kordha.