Jowhar ( Sh. M. Network )-  Iyadoo Maalinnimadii shalay uu Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cadbdi Waare magaacay Xubnaha kamid noqonaya Golahiisa Wasiirada ayaa waxaa is casilay Wasiirkii labaad ee kamid ahaa xubnihii uu magacaabay.

Muxsin  Maxamed Sheekh Shafeec oo la hadlay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in uu iska casilay Xilka Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Dhaqan Celinta Hirshabelle ee uu u magacaabay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in aysan jiran caqabad ku kaliftay in uu Xilkaas isaga tago isagoona intaa raaciyay in uusan dhaliilsaneyn Madaxweynaha Hirshabelle iyo qaabka uu u soo xulay Wasiirada cusub ee Maamulkaasi yeelanayo.

Horay waxaa sidan oo kale isku casilay Ismaaciil Maxamed Culusow oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii uu Magacaabay Madaxweyne Waare isagoona iska Casilay Xilka Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.

Dhinaca kale qaar kamid ah Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Maamulka Hirshabelle ayaa dhaliilsan qaabka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu u soo xulay Wasiirada uu magacaabay.