Boosaaso ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta si rasmi shirkadda P&O Ports loogu wareejiyay maamulka Dekedda Boosaaso, kadib Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland.

Waxaana ka qeyb galay Munasabaddaasi Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, xubno ka tirsan Wasiirada Puntland, iyo saraakiil ciidan.

Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdimajiid Samatar “Jaafaan” ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Mashruuca Dekedda Boosaaso, iyo qaabka uu noqonayo.

Waxaana uu sheegay in Dekedda la balaarin doono, islamarkaana la hormarinayo shaqadeeda, si ay ula mid noqoto Dekedaha Caalamka.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay guul u soo hoyatay Maamulka Puntland, islamarkaana Dekedda Boosaaso ay noqon doonto mid ay ka wada faa’iideysan doonaan shacabka ku dhaqan deegaanad Maamulkaasi.

Wareejinta Dekedda Boosaaso aya ku soo aadeyso, xilli qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Isimada ka soo jeeda Puntland ay ka soo horjeesteen tallaabadaasi uu qaaday madaxweyne Gaas.

Waxaana shirkadda P&O Ports ee lagu wareejiyay Dekedda Boosaaso ay Maamuli doontaa muddo 30 Sano ah sida ku cad heeshiiska ay wada galeen shirkaddaasi iyo Puntland.