Garoowe (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland Saciid Dani ayaa ugu baaqay maamulka Soomaaliland in ay dib uga baxaan deegaanada maamulkiisa ka tirsan ee ay ku sugan yihiin Ciidamadooda.

Mr Dani ayaa xusay in dhulkaasi uusan muran ka taagneen sidaas daraadeed loo baahan yahay in Somaliland ay Ciidamadeeda kala baxdo.

“Haddii ayagu Ingiriis yihiin annagu Talyaani ma nihiin,” ayuu yiri Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid Dani.

Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay Saciid Dani u doorteen Hoggaanka maamulkaas.