Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dowladaha xubnaha inay yimaadaan miiska wadaxaajoodka si xal loogu helo khilaafka hadda jira.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu xusay inay wali sideedii u taalo gogoshii uu Madaxwayne Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ufidiyey maamuladda 17-18 bishii hore ee September, taasi baaqatay markii ay soo xaadiri waayeen hogaamiyaasha.

War-saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in xukuumadda ay ka go’an tahay in is-marin-waaga haatan udhaxeeya dhexe iyo maamul goboleedyadda lagu xaliyo si Soomaalinimo ah, iyadda oo aysan meesha ku jirin daraf kale.

Dhinaca kale, warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu soo hadal qaaday doorashooyinka kusoo wajahan maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland xili ay ku tartarsiisay inay udhacaan qaab cadaalad ah.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda