Muqdisho ( Sh. M. Ntwork )-Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay talihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM doorka uu ku lahaa dagaalka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Munaasabad ay ka soo qeyb galeen wasiiro, saraakiil Ciidan, xildhibaano iyo madax ka socotay howlgalka AMISOM ayaa si weyn loogu ammaanay Generaal Cismaan Nuur Subagle taliyihii hore AMISOM.

Wasiirka gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Generaal Subagle ku tilmaamay in uu door lama iloobaan ah ka qaatay sugida amniga dalka iyo weliba la dagaalanka A0l Shabaab.

Mr Mursal ayaa xusay in ay xasuusan doonaan waxqabaadka AMISOM iyo kaalintii taliyihii hore AMISOM uu ku lahaa tayeynta Ciidamada malateriga ee dowladda Soomaaliya

Wakiilka Ururka Midowga Afrika, ahna madaxa how galka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Generaal Cismaan Nuur Subagle uu ahaa shaqsi howl kar ah oo si weyn ugu shaqeeyay is dhexgalka Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Waxaana uu intaasi ku daray in mudadii uu shaqadaasi hayay Generaal Subagle ay wax badan u qabsoomeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Generaal Cismaan Nuur Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa taliyaha Ciidamada AMISOM hayay muddo 2 Sano ah,  iyadoo dhawaan xilkaasi laga qaaday, waxaana lagu bedalay General Jim beesigye oo u dhashay dalka Uganda.