Qaahira ( Sh. M. Network )-Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta ayaa fariin u diray Ururkaasi, si loogu soo darayo Ajandayaasha shirkooda soo socda fara gelin DFS ay sheegtay in Imaaraadka uu ku hayo Soomaaliya.

Warqada cabashada ah ee dowladda Soomaaliya ay u ugubisay Ururka Jaamacdda Carabta ayaa lagu soo hadal qaaday heshiiskii dhawaan ay wada saxiixdeen shirkadda DP World, Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland, kaas oo ay dowladda dhexe ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Ergayga gaarka ah ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Ajandayaasha shirka soo socda lagu daro arrintaasi, si meesha looga saaro xad gudubka Imaaraadka uu ku sameeyay madaxbanaanida Soomaaliya.

Fariintan ayaa lagu cadeeyay in Dowladda Soomaaliya marnaba aysan aqbali doonin ku xad gudubka Dhulkeeda iyo Badeeda intuba.

Waxaana Jaamacadda Carabta laga dalbaday in Ajandahaasi lagu soo hadal qaado shirkooda, si wax looga qabto fara gelinta ay dowladda Imaaraadka ku heyso Soomaaliya.