Khartuum ( Sh. M. Network )-Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka dhaawacyada ah ee loo qaaday Dalka Suudaan ayaa waxaa hakad la galiyay Qaliinkii iyo Daawada la siin jiray Dadkaasi oo ku jira Isbitaallo ku yaalla Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalkaasi Suudaan.

Waxaana dhaawacyada qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ay sheegeen in lagu Amaray in ay isaga baxaan Isbitaalllada, haddii kale loo soo diri doono ciidamo, si qasab ah uga bixiyo.

Boqor Nuur Boqor Maxamuud oo ka mid ah dadka dhaawacyada ah ee loo qaaday Dalka Suudaan ayaa sheegay dowladda Qatar ay bixin weysay qarashkii loogu tala galay in lagu Daaweyo dhaawacyadaasi.

Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in ay diyaarad u soo diraan, si loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho, maadaama uu tilmaamay in wax Daryeel ah iyo tix gelin aysan ka helin Isbitaallada Dalka Suudaan.

Halkaan hoose  ka dhageyso Codka.