Muqdisho ( Sh. M. Network):-Sida ay Shabelle ugu warrameen ilo lagu Kalsoonaan karo oo isugu jira Ganacsato iyo Dadka deegaanka ah waxa Boob iyo dhac bareer ah  Ciidamo la labisan Dareeska kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay maalmihii dambe ka geysanayeen Suuqa Wey nee Bakaaraha iyo Xaafado ka tirsan Degmada Howlwadaag sida Baar Ubax.

Dhacaan baahsan oo siyaabo kala duwan uga dhacay Suuq Bakaaraha iyo Xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag ayaa  waxaa ugu dambeeyay shalay weeraro Rag hubeysan oo xiran dareeska Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku galeen Xarun shirkad Ganacsi oo lagu Magacaabo Al Hilaal ay ku leedahay Suuqa Bakaaraha iyo Hoyga Ganacsade Caan ah oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Farayaame oo ah Ninka Catarka loo iib keeno Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho intiisa badan uu u soo dago.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in qori Caaraddii uga gedisteen Lacag illaa 3,000 dollar Koontada Shirkadda Al Hilaal ee ku taalla Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Sidoo kale Xalay Abaaro 1:00  AM  Habeenimo Ragaan Labisan Dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ammaanka waxa ay u daateen Hooyga Ganacsade Farayaamo  kaas oo muddo Saacado ah ay ku jireen islamarkaan ka soo qaateen Agab iyo Lacago aan la cayimin Cadadooda sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Isku day xiriir aan la sameynay Ganacsade Farayaamo qudhiisa ayaan inoo suura galin hayeeshee ilaha u warramay Shabelle oo sababo ammaan Magacooda iyo Codkooda ka codsaday in ay qariyaan qalabka Warbaahinta ayaa intaas ku daray in Dhibaatooyinka ay joogto ka noqdeen Xaafadaha Howlwadaag iyo Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Dad badan ayaa la yaaban sida ay isu qabaneysa Dalabka soo noq noqda ee ka soo yeera Madaxda dowladda iyo Laamaha ammanka ee ku aadan in Shacabka iyo Ciidanku wada shaqeeyaan iyo falkaan.

Walow aysan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaya in Kooxaha falka geystay yihiin Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya hadana waxaa xusid mudan in dhammaan goobaha dhaca iyo boobka ay ka dhaceen ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya hadana Astaamaha ay siteen Ragga falalkaan geystay ay ka mid yihiin Dareeska Ciidamadaasi.

Waa Fal saameyn ba’an ku reebay Shacabka iyo Ganacsatada Suuqa Baakaaraha iyo Xaafadda Baar Ubax ee degmada Howlwadaag, oo laga dhursugayo tallaabada xigta ay ka qaataan Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Laamaha Ammaanka ay quseyso.