Muqdisho ( Sh.M.Network)- Madaxda Dowlada kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ayaa khudbado ka jeediyey furitaanka Shirka wadatashiga ee ugu soconaya Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo jeediyey  khudbada daah furka shirkaasi  ayaa ku dheeraaday ka hadalka xaalada amniga gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka ka dhan Alshabab wuxuuna shaaciyey in aan la aqbali Karin dhibaatooyinka ay geysanayaan Alshabab isagoona tilmaamay in waajib ay tahay ciribtirka Alshabab islamarkaana Dowlada ay ka go”an tahay ay qaado tilaabo wax ku ool ah oo looga hortagayo Alshabab.

Halkan ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynhaa uu ka jeediyey shirka Soconaya Muqdisho