Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo u  warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay eedeymo uu Taliyihii hore ee Nabad Sugida u jeediyay dowladda Soomaaliya oo ku aadan in ay fara gelin ku sameysay Doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Jowhar.

Mudane  Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si kulul uga Jawaabay eedeymo uu Sambaloolshe u jeediyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ee ku aadan in ay fara gelisay Kursi Baalamaanka oo doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Waxaana uu yiri “ Aniga ayaa ka mid ahaa Musharrixiinta , Goob Joogna ahaa weliba waad ogtihiin wixii horay noo dhexmaray dowladda Federaalka , laakiin waxaa fiican in alle laga baqo , waxaan cadeynayaa in aysan wax door ah dowladda dhexe ku lahayn doorashadaasi waana ku amaanaya Guddiga doorashada Madaxa banaan hanaanka hufan ay u qabteen doorashadaasi , arrinta Sambaloolshana waxaan leeyahay Nin daad qaaday Xumbo Cuskay”.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Madaxweynihii hore ee Hirshabelle oo dhameystiran:-