Doolow ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumaadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid “Juxa” oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbiyay Safar uu shalay Wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Degmada Doowlow ee Gobolka Gedo.

Waxaana uu sheegay in kulamo ay ka wadaan halkaasi, kuwaas looga hadlayo Darbiga Dowladda Kenya ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya, Amniga iyo arrimaha dib u heshiisiinta.

Wasiir Juxa ayaa hoosta ka xariiqay in Warbixin Sax ah ay ka keeni doonaan arrinta dhismaha Darbigaasi oo dhalisay Xiisad u dhaxeysa  Shacabka ku dhaqan degmada Beled Xaawo iyo Ciidamada Kenya.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in Dowladdu sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonto arrintaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.