Sh/hoose ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siinaayay idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in xaalad adag ay ka jirto gobolka Sh/hoose.

Dalxa ayaa tilmaamay bur-burkii dalka kadib ilaa iyo hada gobolka Sh/hoose in ay ka taagan tahay dhibaatooyin xaga amniga,mid maamul iyo mid nololeed intaba.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in marka uu furmo kalfadhiga baarlamanka ee horgeyn doonaan xaladda adag ee ka taagan Sh/hoose wuxuuna dhanka kale madaxda ugu sareyso dalka ugu baaqay in sidag dag ah wax looga qabtay dhibaatooyinka ka jira gobolkaas .

Hoos riix si aad u Dhageysato:-