Garbahaary ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobollada Gedo iyo Hiiraan ayaa ku warramaya in ay ka socdaan howlgallo Milatari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Deegaano hoostaga gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa in Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Sidoo kale dhaq dhaqaaqyadan ayaa qeyb ka ah howlgallo dhawaan ka bilowday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Abaanduulaha Ciidanka Xoogga qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan General Faarax Muumin oo ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ka socda gobolkaasi ayaa sheegay in uu jiro isbedal ballaaran oo ay ka gaaren howlgalladaasi.

General Faarax Muumin ayaa tilmaamay in Ciidamadu ay u suurtagashay la wareegitaanka deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.