Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Maaamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Cabdiraxmaan Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee ay isugu furayaan Waddooyinka Maaamulkaasi Koonfur Galbeed.

Waxaana uu tilmaamay in ay ka go’an tahay sidii ay Go’doonka uga saari lahaayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolladda Shabeelaha Hoose Baay iyo Bakool oo ay go’deen galiyeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab

C/qaadir Cabdiraxmaan Cali Wasiiru Dowlaha Amniga ee Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka deegaandaasi in ay la shaqeeyan Ciidamada Maamulkaasi.

Waxaana uu xusay in ka Maamul ahaan ay ka go’an tahay, sidii Al Shabaab looga saari lahaa guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.