Balcad ( Sh. M. Network )-Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Cadaan ah ayaa lagu soo warramayaa in saakay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano isku xira degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalladan oo ah kuwa ballaaran ayaa la sheegay in Ciidamadu haatan ay ka wadaan agagaarka deegaanka Baqdaad, halkaas oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaiya oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedkooda uu yahay, sidii Al Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii Al Shabaab iyo Ciidamada dowladdu ay ku dagaalameen deegaano hoostaga degmooyinka Afgooye iyo Balacd ee Sh/ Hoose iyo Sh/ Dhexe.