Dhuusamareeb ( SH. M. Network )-Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid magacaabista golaha wasiirada cusub ee Galmudug oo la filiyay in looga dhawaaqo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in uu dib u dhigay magacaabista golahaasi, kadib codsiyo uga yimid waxgaradka Galmudug.

Sidoo kale warar hoose oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in dib u dhacan uu sabab u yahay khilaafka weli ka taagan maamulkaasi.

Lama shaacin xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono golahaasi oo ay xubno ku yeelan doonaan Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Maalmihii dambe Madaxaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa waday wadatashiyo ku aadan ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi.