Muqdisho ( Sh. M. Network )-Banaanbaxani oo ahaa mid ballaaran, islamarkaana lagu taageerayay Waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay qeybo kala duwan oo ka tirsan Magaalada  Muqdisho.

Boqolaal Shacab ah ayaa Socod ku soo maaray inta badan Xaafadaha Muqdisho iyagoo sitay Boorar ay ku xardhan yihiin Sawiradda Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Hal ku dhiga ay ku caan baxday dowladda ee Nabad iyo Nolol.

Waxaana dadweynahaasi isugu tageen Dhismaha Xarunta Golaha Shacabka hortiisa  iyagoo ku dhawaaqayay Ereyo ay uga soo horjeedaan  in la siyaasadeeyo Go’aankii Xukuumaddu ka qaadatay Sarkaalkii ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbia Dhagax.

Qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa ka codsaday Dadka doonaya in ay dib u dhigaan dowladnimada in aan la curyaamin Xukuumadda islamarkaana ay ka daayaan Mooshinada iyo wax kasta oo hagal daacinaya dowladda Soomaaliyeed oo haatan ay sheegeen in ay ku tallaabsatay horumarro la taaban karo.

Dowladda Soomaaliya ee haatan ayaa u muuqata mid taageero lixaad leh ka heysata Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo mudadii bur burka kadib  ay niyad jabiyeen dowlado ay daashadeen Musuqmaasuq iyo Mooshinno ay ku dheehan yihiin Dano Siyaasadeed.