Garissa ( Sh. M. Network )-Boqolaal ka tirsan ardayda Jaamacadda Garissa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa maanta Dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan Ciidamada dalkaasi ka dhigay gudaha magaaladaasi.

Ardayda dibadbaxyada dhigayay ayaa ku eedeeyay Ciidamada Booliska Kenya in ay khalad ah ku heystaan Arday ka tirsan Jaamacaddaasi, kuwaasi oo ku xiran magaalada Garissa.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi ayaa ku qeylinyay Erayo ka dhan ah Ciidamada dowladda Kenya.

Guddoomiayaha Ardayda Jaamacadda Garissa Denis Mulenje ayaa sheegay in ay si wadi doonaan dibadbaxyadan, inta Ciidamadu nolol iyo geeri ay ku sheegayaan Ardaydaasi.

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Booliska Garissa Aron Moriasi ayaa sheegay in aysan jirin xabsi ama xarun Ciidamooda ay leeyihiin oo ay ku xiran yihiin Arday ka tirsan Jaamacaddaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay baarayaan eedeymahaasi haddii ay jiraan iyo haddii aysan jirin inataba.

Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa dhibaatooyin ka dhan ah aadanaha in ay geystaan xilliyada ay howlgallada ka wadaan deegaanada ku teedsan xadka Soomaaliya.