Kismaayo ( Sh. M. Network )-Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday Ciidamada Dowladda Kenya ayaa maanta ka dhacay deegaanka Hoosingow ee g/ Jubbada Hoose.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay Waddooyinka deegaankaasi, kuwaas oo ka cabanayay dhibaato ay ku hayaan Ciidamada milateriga Kenya.

Qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Dibadbaxani uu ka bilawday 2 Qof oo ka mid ah dadka deegaanka oo ay xireen Ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi.

Waxaana la sheegay in Dibadbaxayaashu ay Dab qabadsiyeen Xero Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose, inkasto markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolkaasi ayaa sheegaya in kulan gaar ah ay wada qaateen Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo waxgaradka Hoosingow, kaas oo ay uga wada hadleen tabashada ay qabaan dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid dagan, waxaana weli socdo kulamo gooni gooni ah oo looga hadlayo xiisadaasi.