Garoowe (Sh. M. Network)-Shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Saakay markale ku waabariistay diidmada Lacagta Shillin Soomaaliga, kadib markii Ganacsadu ay diideen in wax looga iibsado.

Waxaana inta badan maanta xiran xarumaha Ganacsiga Garoowe, oo ay ku dibadbaxeen Boqolaal dadweyne oo cabasho ka ahaa diidmada Lacagta Shillin Soomaaliga.

Xoghayaha dowladda hoose ee Garoowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in si deg deg ah looga arinsanayo diidmada Lacagta Shillin Soomaaliga, Ganacsatadana ay isugu yeeri doonaan kulan, si wax looga qabto dhibaatooyinkaasi.

Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo Ganacsatada ayaa horay u gaaray heshiisyo lagu xalinayo diidmada Lacagta Shillin Soomaaliga, iyadoo la amray Ganacsatada in ay qaataan lacagaha Shillin Soomaaliga oo eysan kala soocin.

Waxaana markale deegaanada Puntland ka soo cusboonaaday diidmada Lacagta Shillin Soomaaliga, taas oo ay saameyn ku yeelatay Dadka danta yar ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

]