Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Cabdiraxmaan Cali ayaa sheegay in diyaarad Helicopter ah oo siday saraakiil ka tirsan Al Shabaab ay ka degtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Waxaana uu tilmaamay in ay soo dhaweyeen Raggaasi oo isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale C/qaadir Cabdiraxmaan Cali Wasiiru Dowlaha Amniga ee Koonfur Galbeed ayaa xusay in dhawaan saraakiishan ay u soo bandhigi doonaan warbaahinta, islamarkaana ay faah faahin ka bixin doonaan arrimaha ku saabsan Raggaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.