Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in duqeyn  dhanka cirka ah Duhurnimadii maanta ay ka dhacday deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Duqeynta oo ahayd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in diyaaradaha Kenya ay ka fuliyeen agagaaraka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Waxaana la sheegay in duqeynta ay timid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku soo wajahnaa degmadaasi.

Iyadoona dagaal xoogan uu ka dhacay halkaasi, islamarkaana diyaaradaha Kenya ay kor ka duqeeyeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahay duqeyntaasi, inkastoo aan la cadeyn karin inta uu la’egyahay.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la dhaafay diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kamsooma ee gobolkaasi, waxaana la sheeegay in lala beegsaday Gaadiid marayay deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in Gawaaridaasi uu lahaa Ganacsade, si weyn looga yaqaano Jubbada Hoose, islamarkaana Ceelal Biyood ku leh gobolkaasi.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in duqeyntaasi uu ka badbaaday Ganacsadahaasi.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan duqeyntaasi.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa duqeymo xoogan ka fuliya koonfurta Soomaaliya.