Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan diyaarado dagaal oo duqaymo ka fuliyay degaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaas ku daraya in duqaynta lala beegsaday Saldhigyo ay xarakada Al-Shabaab ku lahayd tuulooyinkaasi oo qiyastii 6 KM dhinaca Koonfur-galbeed uga beegan degmada Afgooye.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah oo ay geysteen duqaymahaasi, oo dadka degaanka soo sheegayaan inay ahaayeen kuwa culus.

Illo wareedyo madaxa banaan ayaa xaqiijinaya in mid kamid diyaaradaha weerarka cirka ah fuliyay oo kusoo degtay Sabiid iyo Caanoole ay wateen labo ruux.

Mudooyinkiii dambe Mareykanka ayaa sarre uqaaday howlgalada uu ka fulinayo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku bartilmaameed-sanayo xerooyinka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.