Boosaaso ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in Dooni Ganacsi oo ku soo wajahneyd Dekedda Boosaaso ay maanta ku degtay xeebaha gobolkaasi.

Doonidan oo u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay ku degtay meel aan sidaa uga fogeyn Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolkaasi.

Xidig Saciid Bootaan oo ka mid ah Wakiilada Doontaasi ayaa sheegay in ay ka soo shareecatay dalka Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeday m/ Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.

Waxaana uu tilmaamay in Doonidu ay ku timid Cilad, islamarkaana ay siday 1700 oo Tan oo isugu jiray Bagaash, Raashin iyo Gawaari.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.