Jowhar ( Sh. M. Network )-Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa si rasmi ah goor dhow uga bilaabatay Codeynta wereega koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Waxaana ku tartamaya illaa 8 musharrax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulkaasi Hirshabelle, kuwaasi oo kala ah:-

1- Dr Maxamed Cabdi Waare,  2- Cabdiraxmaan Xasan Caddow,  3- Yuusuf Axmed Hagar, 4- Cabdikariin Cali Nuur , 5- Cabdinaasir Maxamed Shirwac,  6- Cabdi Faarax Laqanyo,  7- Daahir Cabdulle Cawaale  iyo 8- Maxamed Caruush Diirow.

Xarunta doorashada waxaa ku sugan madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya  iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, kuwaasi oo goob jooog ah sida ay u dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa horay codkii kalsoonida kala laabtay madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan, Waxaana maanta ay dooranayaan madaxweyne cusub