iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in jirdil xoogan loo geystay Madaxweynahii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa arintaasi waxaa beeniyay Taliska Ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya.

taliyaha guud ee ciidamada federaalka Itoobiya Jeneraal Zeyinu Jemal oo arintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay isaga oo sheegay in uusan jirin wax jir dil ah, xaaladiisa caafimaad-na loo diyaariyay kalkaaliyayaal ku sugan gudaha saldhiga oo xitaa u diyaarsan ayuu yiri in ay xarun caafimaad u gudbiyaan haddii uu tabanayo xannuun darran.

“Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey.

Lamo oga wax ka run ah eedeymaha qoyska Cabdi Maxamuud Cumar iyo beenninta taliska Booliiska federaalka Itoobiya.