Djibouti ( Sh.M.Network):- Kadib kulan ay si wada jir ah Saacadihii ugu dambeeyay ay ku yeesheen Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas Wasiirop arrimo dibadeedyada Somalia , Ehiopia , Eretria iyo Jabuuti ayaa dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweysay dadaalada xal u raadinta iyaga iyo Eretria.

Waxaana Jabuuti ay uga Mahad celisay Wadamada Somalia iyo Ethiopia sida ay isugu howlayaan dhexdhexaadinta labada dal.

Wadamada Eretria iyo Jabuuti ayaa waxaa in muddo ah ay ku muransanaayeen dhul ku yaalla soohdimaha labadaasi dal.

Waxaana haatan dhexda u xirtay xallintooda dowladaha Somalia iyo Ethiopia xilli isbedello xoogan laga dareemayo guud ahaan dalka.