Tokyo ( Sh. M. Network )-Dowladda Japan ayaa 72 Milyan oo Dollarka Mareykanka ugu deeqday 23 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, taas oo wax loga qabanayo xaaladaha Bani’aadanimo ee ka taagan dalalkasi.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qabilsan dhanka Cunada ee WFP ayaa shaacisay in dowladda Jaban ugu deeqday Lacagtaasi oo ay sheegtay  in ay wax badan ka tari doonto arrimaha Bani,aadanida,

Dowladda Jaban  ayaa Lacagtasi Soomaaliya uga qoondeysay 4.5 Milyan Dollarka Mareykanka, taas oo wax looga qabanayo Cuna xumida iyo dhibatooyinka Bani’aadanimo ee ka jira qeybo ka mid ah dalka.

WFP ayaa uga mahadcelisay dowladda Jaban sida deeqsinimada leh oo ay dhaqaalahaasi ugu taageertay dalalkasi, iydoona Mashaariicaha lagu qabanayo Lacagtasi ay fulin doonto Hay’adda Cunada Adduunka ee WFP.

Wadamada loogu deeqay lacagtaasi ayaa kala ah:-Yemen,  Iraq, Syria, Myanmar, Somalia , South Sudan, Ethiopia, Turkey, Chad Mali,  Guinea,  Niger,  Sudan,  Palestine, Afghanistan, Burkina Faso, Jordan Malawi,  Mauritania, Uganda, Sierra Leone, Swaziland iyo Zimbabwe

Ma’ahan markii ugu horreysay ay Jaban Lacag wax loooga qabanayo xaaladda Bani’adanimo ugu deeqeyso Soomaaliya iyo dalalkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in  Sanadkii hore ay hayadda WFP ku wareejisay 2 Miliyan oo Dollar, taas oo dowladda Japan ugu deeqday dowladda Soomaaliya.