Nairobi ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xirtay 2 nin oo looga shakisan yahay in ay qorshaynayeen in ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada ka hortaga Argagixisada ee Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ay ku dhigeen 2 nin oo ka soo jeeda dalka Tanzania, kuwaasi oo qorsheynayay in ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab, sida ay tilmaameen saraakiisha Dalkaasi.

Taliyaha Booliska Maamulka Isiolo ee dalka Kenya Charles Ontita ayaa xusay in ay qabteen Omar Mwalimu Kasambe, Juma Abbas Zuberi, iyo  Ali Juma Kaondo, kuwaasi oo ku wajahnaa dhinaca Soomaaliya, islamarkaana ay rumaysan yihiin in ay doonayeen in ay ka mid noqdaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Waxaana uu sheegay in Raggaasi la hor geyn doono Cadaalada, islamarkaana lagu qaadi doono ciqaabta ay mudeystaan, haddii lagu helo dambigaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay dowladda Kenya ay xirto Rag ka soo jeeda dalka Tansania oo ay ku eedeeysay in doonayeen qorshayaal ah in ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab.