Khartuum (Sh M Network)—Dowladaha Sudan iyo Mareykanka oo kulan ka yeeshay Xaalad guud ee Dalka Soomaaliya iyo Dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab.

Kulankan ayaa waxaa Magaalada Khartuum ku wada yeeshay Taliyaha Ciidamada Dalka Sudan, Janaraal, Emad al-Din Mustafa Adawi iyo Ku Xigeenka Taliyaha Taliska AFRICOM, Alexander Laskaris,

Labada dhinac ayaa waxey si qoto dheer uga wada hadleen arimaha amniga Gobolka, iyo ka wada shaqeynta sidii loo wiiqi la haa Kooxo ay ku tilmaameen argagixiso.

Waxaa shir jaraa’id ay ku qabteen Magaalada Khartuum ay labadan Taliye ay shaaciyeen in ay iska kaashanayaan Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Shirkooda jaraa’id ayee sidoo kale waxey ka sheegeen in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii looga adkaan la haa Xarakada Al Shabaab.

Xarakada Al Shabaab ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, iyadoo xusid mudan in mararka qaarkood ay weeraro xoogan ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.