Muqdisho ( Sh. M. Network )-Senator Faadumo Xasan Aadan “Gariyo” oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ugu baaqday Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo magacaabaan taliyeyaasha Nabad Sugida iyo Booliska.

Waxaana ay sheegtay in ay muhiim tahay in deg deg loo soo magacaabo taliyeyaashaasi, si wax looga qabto dhibaatooyinka hadda ka jira Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Senator Faadumo Xasan Aadan “Gariyo” ayaa hoosta ka xariiqday in aan wax loo dul qaadan karin ay tahay in Mas’uul leh Xasaanad la weeraro Gurigiisa.

Waxaana ay wax lag xumaado ku tilmaamtay weerarkii dhawaan lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.