Doha ( Sh. M. Network )Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada dalka Qadar ayaa si xoogan loogu cambaareeyay qaraxii miinada ahaa ee Khamiistii la soo dhafay ka dhacay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Warka ka soo baxay Qatar ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay ficilada iyo xad gudubyada waxaa loogu yeero Argagixisada, islamarkanaa aysan wax qiil ah u haynin  falalka ceyn kaas ah.

Sidoo kale Qatar ayaa tilmaantay in weerarkaasi uu ahaa mid  lagu qal qal galinayo isdhexgalka iyo wadajirka bulshada, taas oo ay sheegtay in Isboortigu gundhig u yahay.

Ugu Dambeyntii dowladda Qatar ayaa Ehellada iyo qaraabada uga Tacsiyadeysay dadkii ku Geeriyooday qaraxaasi, iyadoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeysay caafimaad deg deg ah.