Beijing  (Sh M Netork)—Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay xoojinayso howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, waxa ayna shiinuhu sheegeen in qorshahooda uu yahay soo afjaridda kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee afduubka u geysta markiibta marayso biyaha Soomaaliya.

Shiinaha ayaa carababaay in ay ku rajjo wayn yihiin in howlgalka ay qaybta ka yihiin uu mira dhalo meeshana laga saaro qatart kooxaha burcad badeeda oo weeraro ku qaado maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya.

Waxa ay intaasi ku dareen in ay sameeyaan roondooyin joogta oo la igu ilaaliyo biyaha u dhexeeyo Yemen iyo Soomaaliya oo ah halka inta badan uu ka dhaco weerarada burcad badeeda.

Dowladda Shiinaha ayaa qayb ka ah tiro dalal ah kuwaasi oo ciidankooda badda u soo diray biyaha Soomaaliya sinay uga hortagaan weerarada kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Bilihii aynu ka soo gudubnay oo mar kale ay soo muuqatay qatarta kooxaha burcad badeeda ayaa haatan waxa ay muuqata mid sii yaraanayso maadama howlgalka Atlanta uu ku baraarugay dar-dar galinta howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda.