Muqdisho ( Sh. M. Network)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in ay iska soo celiyaan shaqsiyaadka heysta Gaadiidka dagaalka dowladda Federaalka Soomaaliya .

Mr Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali doonin cid aan fasax u heysan in si gaar ah u adeegsato Hantidaasi dowladda sida uu yiri.

Wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe ayaa waxaa isku dhex milmay Gaadiidka dagaalka Beelaha Soomaaliyeed iyo kuwa dowladda.

Waxaana laga dhur sugi doontaa hanaanka ay u wajhado dowladda Federaalka Soomaaliya qorshahaan ay ku soo ceshaneyso Gaadiidkeeda.