Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa ugu baaqay Ganacsatada ku nool Qurbaha in ay yimaadaan dalka si ay Maalgashi u sameeyaan.

Waxa uu sheegay in xilligaan loo baahan yahay dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay ka qeyb qaataan islamarkaana ay dalkooda galiyaan dhaqaalaha xoogan ee uga baxa dalalka Shisheeye.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in Ganacsatadaasi u fududeyso wax kasta oo ay u baahan yihiin.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda shir ay ka qeyb galayeen qaar ka mid ah Qurba joogta dalka dib ugu soo laabtay kaas oo lagu  qabtay Magaalada Muqdisho loogana hadlayay sida ugu haboon ee Maalgashi looga sameyn karo dalka