Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay wado qorsho dib u dajin loogu sameynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib dalkooda ugu soo noqonayo.

Waxa uu Sheekh Mr Cabdiraxmaaan Iidaan Yoonis in qorshahaan ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya u soo bandhigtay Golaha Wasiirada kaas oo la doonayo in Seddexda sano ee socota wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso Maxaabiis Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan ugu xirnaa Dalal Shisheeye.