Kampala ( Sh. M. Network )-Taliska milateriga Uganda ayaa sheegay in ay bilaabayaan la bixida Ciidamooda ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Tirada Ciidamada Uganda ee baxaya marka ugu horreysa ayaa lagu sheegay 281 Askari, iyagoona ay qeyb ka yihiin 1000 Askari oo dhammaadka Sanadkan  ka baxaya Soomaaliya.

Ka bixitaankani Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qorshaha Qaramada Midoobay ay ku dhimeyso Ciidamada AMISOM.

Dowladda Uganda ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee howlgalka AMISOM, waana  Dowladdii ugu horreysay ee Ciidamo ka socda Midowga Afrika u soo dira Soomaaliya .

Sidoo kale Dalalka Kenya, Burundi, Jabuuti iyo  Ethiopia ayaa la filayaa in qeyb ka mid ah Ciidamadoodu  ay baxaan 31 Bishani December.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in la dhimayo Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.