Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Wasiirka Amniga gudaha Soomaliya  ayaa sheegay in dowladda muhiim uu yahay sharciga Socdaalka, kaas oo uu sheegay in uu wax badan ka tiri doono dalka, maadaama xuduudo badan ay leedahay Soomaaaliya ,ayna soo galaan Ajaanib kala duwan dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in muhiim ay tahay in la hubiyo ammaanka kuwa soo galaya iyo kuwa ka baxaya dalka intaba.

Waxaana Wasiirku hoosta ka xariiqay in Sharciga laga tala gelin doono qaar ka mid ah Wasaaradaha Heer Federaal iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira, islamarkaana loo gudbin doono Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan.

Hadalkan ayuu ka jeediyay wasiirka amniga shir muddo 2 maalin soconaya oo uu shalay ka furay Magaalada Muqdisho, kaas oo laga tala galin doono sharciga Socdaalka.