KANDAHAR, AFGHANISTAN - MAY 2, 2006: The US military in Kandahar, southern Afghanistan, a Taliban stronghold, are using high-tech Predator drones against their enemy. They have approximately 8 there. The Predator has no pilot, and is controlled for his highly secret mission from Las Vegas. The team in Kandahar is in charge of their take off and landings. The drones have a highly powerful camera with infrared, as well as a still camera and two missiles. (Photo by Veronique de Viguerie/Getty Images)

Duqeymaha diyaaradaha drones-ka Mareykanka ay ka fuliyaan dalalka ku yaala bariga dhexe iyo qaarada Afrika ayaa kor u kacay 80% sannadkii la soo dhaafay.

Weeraradaasi duqeymaha ayaa waxaa ay sare u kaceen markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump.

Diyaaradaha aan cidi wadin ee drones-ka ayaa waxaa 57 weerar oo duqeyn ah ay ka fuliyeen dalalka Pakistan, Soomaaliya iyo Yemen iyadoo ay duqeymahaasi ay gasyteen dhimashada 384 ilaa iyo 807 ruux oo ay ku jiraan rayid aan waxba galabsan.

Sannadkii hore ayaa waxaa Mareykanka uu duqeymo diyaaradeed ka fuliyey dalka Yemen 127 jeer waxaana 32 mar ay ka badantahay duqeymihii u dalkaasi ka gasytay sannadkii 2016.

Diyaaradaha drorens-ka ee dalka Mareykanka ayaa somaliya sannadkan ka gaystay 34 duqeymo ah oo ay sheegeen in la bartilmaameedsadeen deegaanoo ay ku sugnaayeen alshabaab iyo Daacish.

Qaar ka mid ah hay,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa Mareykanka ku eedeya in duqeymo ay ka gaystaan dalal badan oo ku yaala Afrika iyo bariga dhexe ay waxyeelo ba,an ka soo gaarto rayid badan oo ka agdhaw goobaha laga fuliyo duqeymaha dhinaca cirka ah.