Awdheegle ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo Barqanimadii maanta ka dhacday duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari ay la socdeen ku dhawaad 10 ruux oo marayay deegaan hoos yimaada degmadaasi Awdheegle, kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay ahaayeen.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in gaariga lala beegsaday duqeynta uu basbeelay, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Maamulka G/ Shabeelaha Hoose oo an la xariirnay ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo duqeyntaasi.

Lama oga ilaa iyo haatan heybta diyaaradaha duqeynta ka fuliyay Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Balse muddooyinkii dambe Mareykanka aya kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee uu ka fuliyo Soomaaliya.