Saakow ( Sh. M. Netwotk )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaarado dagaal Barqanimadii maanta ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday inta u dhexeysa deegaanada Doobaay iyo Juwaarey oo hoos yimaada degmada Saakow ee gobolkaasi.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi iyo sidoo kale heybta diyaaradaha fuliyay.

Waxaana goobaha la duqeeyay ku sugan dagaalayhannada Al Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo la xariira duqeyntaasi

Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliya K/ Soomaaliya, gaar ahaan deeganada ay maamulaan dagaalyahannada Al Shabaab.