Muqdisho (Sh. M. Network)-qaar ka mid ah Ehelada dadkii lagu laayay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kulan gaar ah la qaatay Xubno ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu horeyn xildhibaanada ayaa dhageystay Tabashada ay qabaan Ehelada, iyagoo u sheegay in ay go’aan ku gaareen in ay Aasi doonin Marxuumiintii lagu dilay deegaankaasi Bariire, tan iyo inta Cadaaladda la horkeenayo ciidamadii ka danbeeyay falkaasi Toogashada ah.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xunyihiin falkaasi lagu dilay dadka Shacabka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin raadinta xaquuqda dadkii la laayay

Waxaana uu ka codsaday Ehelada in ay isdajiyaan, kana war sugaan xildhibaanada, si dowladda loogu gudbiyo dhibaatada soo gaartay dadkaasi Shacabka ah.

Sidookale Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in loo baahanyahay in ay Eheladu muujiyaan daganaan, islamarkaana eysan ku dhaqaaqin wax keeni karo in ay dhacdo dhibaato kale.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa la keenay Meydadka 10 Qof oo Jimcihii aynu soo dhaafay ay toogasho ku dileen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykan ah, xilli Marxuumiintaasi ay ku sugnaayeen Beer ku taala deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.